

Munaasabadan ay kuqalin jabinayeen 53 arday oo dhameeyey Xifdinta Qur’aanka kariimka ee dugsiga xifdinta Qur’aanka iyo Waxbarashada aas aasiga ee Daarul Biri ayaa lagu qabtay Hoolka Shirarka Jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso, munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Boqolaal dadweyne ah kuwaas oo isugu jirey waalidiin, Macalimiin, arday, Mas’uuliyiin, Culumaa`udiin aqoonyahano iyo Marti sharaf kale.
Maamulaha Dugsiga xifdinta Quraanka kariimka iyo Waxbarashada aas aasiga Ah ee Daarul Biri Iimaan Yuusuf Maxamuud ayaa ka warbixiyay taariikhda Waxbarasho ee Dugsiga.
Waalidiinta ardaydan dhameysay xifdinta Qur`aanka kariimka Ayaa siweyn u Soo dhaweeyey guusha ay gaareen ubadkooda waxa ayna ku bogaadiyeen Ardayda in ay waxbarashadooda sii wataan.
Prof; Aadan Xiroow oo ah hormuudka jaamacada Muqdisho Faraceeda Boosaaso oo ka mid ahaa aqoon yahanadii kahadley Xafladan ay ku qalin jabinayeen ardeydan dhameysay xifdinta Qur`aanka ayaa sidoo kale kula Dardaarmay ardayda in aysan Dayicin.
Dugsiya Daaru Biri ayaa waxa la aas aasay sanadkii 2004 iyadoo Ay ka Qalinjibiyeen 159 Arday kuwaas oo dhameeyay Qur’aanka Kariimka.
No comments:
Post a Comment