Horjooggayaasha Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo ay ugu arrinsanayaan xaaladda adag ee kooxda soo wajahday iyo howlgallada ciidammada dowladda Soomaaliya ee ku soo fiday deegaannada ay Al-Qaacidda ku dhuumaalleystaan.
Illo warreedyo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in horjooggayaasha Al-Qaacidada Soomaaliya maanta ay ku kulansan yihiin magaaladaasi, si ay ugu wada hadlaan sii socoshada dagaallada Soomaaliya, qaabkii ay ugu baxsan lahaayeen haddii howlgallada ciidammada dowladda ay soo gaareen deegaannada ay ku dhuumaalleystaan.
Horjooggaha kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya hoggaamiya Axmed Cabdi Godane, ku xoggeenkiisa Muqtaar Rooboow Cali “Abuu Mansuur” Ibraahim Xaaji Jaamac “Ibraahim Afqaan, Fu’aad Maxamed Khalaf “Shongole iyo rag kale ayaa kulan ka qeyb galli doona, iyadoo horjooggayaashaasi qaar ka mid ah aysan ku faraxsaneyn sida la xaqiijiyay kulan oo ay ka cabsi qabaan in uu ka dhasho khilaaf hor leh.
Kulammo horre ayaa fashilmay kaddib markii uu sii kordhay cadaadiska saarran kooxda Shabaabka Al-Qaacidda iyo khilaafaadka ka dhaxeeya horjooggayaasha, oo uu ugu dambeeyay khilaafkii Xasan Daahir Aweys iyo Axmed Cabdi Ow Godane.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, hadda waxaa ka soconaya dhaq dhaqaaq ku aadan sidii uu u dhici lahaa kulan Al-Qaacidada Soomaaliya isugu imaanayaan, maadaama aysan ku kalsooneyn meel walbo oo ay si wadajir ah isugu yimaadaan horjooggayaasha oo dhexdoo shaki kala qaba.
Marar badan ayaa duqeyn lala bartilmaameydsaday kulammo ay isugu yimaadeen horjooggayaasha Al-Shabaab, iyadoo qaarkoodna lagu dilay weerrada lagu soo qaaday iyo duqeymaha bar bar socda ee laga fuliyay deegaanada Al-Qaacidda isugu shirar ku qabsadaan.



No comments:
Post a Comment