
Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqooyahannada Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay Horumarrada dalka ka socda, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay isaddelka ka socda, iyo dadaallada ay wadaan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku aadan in kooxaha qas wadayaasha dalka ka sifeeyo.
Sidoo kale Prof: ayaa tilmaamay in muddo Saddex billood ah uu dalka siyaabo kale duwan u yimid, intii uu ku sugnaana uu arkay Horumar xagga amniga iyo dowladnimada ah, isagoo xusay in xaalad kasta oo jirta haddana dalka uu ku socdo waddo uu ugu soo kabanayo bur burkii muddadii 21-ka sanno ee la soo dhaafay ku dhacay.
Dhinaca kale waxa uu soo dhaweeyay wada hadallada ka filiyo in ay dhexmaraan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, isagoo ku baaqay in ka qaado tallaabo kasta oo lagu mideyn karo ummadda Soomaaliya, waxa uuna ka digay in dib loo gallo Qabyaalad iyo cadaallad darro.
No comments:
Post a Comment