Sunday, 29 April 2012

Raisul wazaaraha somalai oo kulan la qatay bulshada rayidka


Kulanka maanta uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah, Iyadoona looga hadlayay Arrimaha Roadmap-ka, Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Isgaarsiinta Maamuladda, Dhameystirka Dastuurka, Dib-u-habeynta Baarlamaanka iyo dowlad wanaaga, Iyadoona  dowr muhiin ah ay dowladda ka siiyay bulshada rayidka ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kulanka uu ku saabsan yahay in dowladda iyo Bulshada Rayidka ah ay kala warqaataan oo ay is dhaafsadaan fikirado iyo talooyinka ay u hayaan dowladda maadaama ay matalaan Shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Bulshada Rayidka kaalin muhiin ah ka qaataan isbedelladda soo socda si loogu guuleysto hadafka ah in la helo dowladd rasmi ah oo karti leh iyo iney dalka ka saarto marxaladaha adag.
“Bulshada rayidka waa iney kaalin hogaamineed ka qaataan arrimaha bulshada sida, Waxbarashada,Caafimaadka, dhamaan adeegyadda bulshada iyo in Bulshada Rayidka lagu dhiiri geliyo iney si joogta ah ula xisaabtamaan dowladda si loo gaaro maamul wanaag dhameystiran”.
Waxaa kaloo warbixin laga bixiyay Roadmap-ka iyo hormarka laga sameeyay iyadoona la xusan in Roadmap-ka la saxiixay 6-dii September, markaa kadib waxaa bilowday in Soomaalida ay dalka gudihiisa shirar ku qabsadaan kana hadlaan mustaqbalkooda iyagoona isku xirmay gaaridda maamul gobaleedyada, Bulshada Rayidka iyo dowladda.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa  xusay in Dastuurka la soo dhameystiray 20-kii April muddo 8 sano kadib, Dastuur ku saleysan Shareecadda Islaamka iyo xeerarka Soomaaliyeed, Wadatashiyo lala sameeyay bulshada rayidka welina ay sii socon doonaan inta laga ansixiyano dastuurka
“135 Oday dhaqameed ayaa soo xuleyso Ergadii Ansixin laheyd Dastuurka oo dhan 825, 15 may ayay isku imaan doonaan oo ay ka doodaan Dastuurka-Ansixintoodana ay noqoneyso mid Kumeel Gaar ah inta laga helayo Afti guud ee Shacabka, iyo in June bartamaheeda Dib u habeyn lagu sameeyo Baarlamaanka  la helana  Baarlamaan tayo leh”.
Ugu dambeyntii Bulshada Rayidka ayaa lagula dardaarmay iney kaalin hogaamineed ka qaataan oo ay la shaqeeyaan Odey dhaqameedka oo ay ka saacidaan sidii loo soo xulli lahaa Ergo tayo lehoo si wanaagsan uga doodi kara dastuurka kuna sameyn karta isbedelada laga mamaarmaanka ah si ay KMG u ansixiyaan, islamarkaana ay bulshada rayidka ah ay kaalin firfircoon ka qaataan wacyi gelinta bulshada si loo helo bulsho caafimaad qabta oo ka shaqeyso nabadeynta iyo xasilinta dalka iyo waliba in Bulshada Rayidka iyo dowladda ay isku xirmaan oo ay yeeshaan wada shaq1eyn dhab ah iyo in Bulshada Rayidka ay ka mid noqdaan guddiyada soo dhaweynta iyo fulinta shirarka soo socda.

Saturday, 28 April 2012

Arday ka qalinjibisay xifdinta Qur'anka kariimka








Munaasabadan ay kuqalin jabinayeen 53 arday oo dhameeyey Xifdinta Qur’aanka kariimka ee dugsiga xifdinta Qur’aanka iyo Waxbarashada aas aasiga ee Daarul Biri ayaa lagu qabtay Hoolka Shirarka Jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso, munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Boqolaal dadweyne ah kuwaas oo isugu jirey waalidiin, Macalimiin, arday, Mas’uuliyiin, Culumaa`udiin aqoonyahano iyo Marti sharaf kale.
Maamulaha Dugsiga xifdinta Quraanka kariimka iyo Waxbarashada aas aasiga Ah ee Daarul Biri Iimaan Yuusuf Maxamuud ayaa ka warbixiyay taariikhda Waxbarasho ee Dugsiga.
Waalidiinta ardaydan dhameysay xifdinta Qur`aanka kariimka Ayaa siweyn u Soo dhaweeyey guusha ay gaareen ubadkooda waxa ayna ku bogaadiyeen Ardayda in ay waxbarashadooda sii wataan.
Prof; Aadan Xiroow oo ah hormuudka jaamacada Muqdisho Faraceeda Boosaaso oo ka mid ahaa aqoon yahanadii kahadley Xafladan ay ku qalin jabinayeen ardeydan dhameysay xifdinta Qur`aanka ayaa sidoo kale kula Dardaarmay ardayda in aysan Dayicin.
Dugsiya Daaru Biri ayaa waxa la aas aasay sanadkii 2004 iyadoo Ay ka Qalinjibiyeen 159 Arday kuwaas oo dhameeyay Qur’aanka Kariimka.

Thursday, 26 April 2012

golaha wasiirada xukuumada Somalia maanta shir ku yeesheen magaalada Muqdisho?


Muqdisho, April 26, 2012-------------- Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiiradda ayaa maanta waxaa shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, loogana hadlay warbixinta dastuurka, diyaargarawga shirweynaha weyn ee lagu ansixinayo dastuurka, arrimaha amniga iyo gobollada, dhismayaasha wasaaradda Gaashaandhiga iyo olalaha warbaahineed ee ku aadan wax qabadka dawladda, roadmapka iyo dastuurka.
Ugu horreyntii Golaha ayaa waxaa warbixin faahfaahsan siiyay Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane Cabdikariin Buux oo ka warbixiyay heerarkii ay soo martay dastuur sameynta iyo shaqadii hagar la’aanta ahayd ee guddiga khubarada oo ay muddo kooban kusoo afjareen qoraalka dastuurka, Wasiirka ayaa mahad ballaaran u celiyay dhammaan dadkii gacan ka geystay inuu dastuurka xilligii loogu tala galay ku dhamaado gaar ahaan Guddiga Madaxa Bannaan ee dastuurka (IFCC), Guddiga Khubarada, Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiga Wadajirka ah ee dastuur sameynta (JCU).
Wasiir ku Xigeenka Dastuurka ayaa sheegay iney ku jireen guddiga khubarada laba xeel dheere oo ku takhususay shareecada Islaamka oo mar walba ay ula laabanayeen wixii ku saabsan shareecada Islaamka, sidoo kale wuxuu ballan qaaday in loo bandhigi doono “Sharia Audit” oo ah culimada Soomaaliyeed iney ka eegi doonaan shareecada, wacyigelinta dastuurka ayaa socon doonta muddada 4ta sano ee soo socota sidii dadka loo baro waxa uu yahay dastuurkan.
Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loogu diyaar garoobi lahaa shir weynaha lagu qaban doona magaalada oo lagu wado in lagu ansixiyo dastuurka, waxey sidoo kale golaha iska xilsaareen inuu shirkaas ku dhaco sida ugu wanaagsan dhan walba, xagga amniga, habmaamuuska iyo adeegyada kasoo qeyb galayaasha.

Halkuu marayaa dastuurka somalia


Maanta waa maalin taariikhi ah oo bilow u ah dhameytirka howlihii Dastuuriga ahaa ee Xukuumadda Soomaaliya hormuudka ka ahayd.
Wasaarada Arimaha Dastuurka iyo Dibu-heshiisiinta ayaa soo bandhigtay qorshe la isugu keenayo odayaal dhaqameedyada, taas oo kor ka eegi doonta hanaanka lagu dooranayo xubnaha ka qeyb galeysa ansixinta dastuur cusub.
Howlaha dastuur-sameynta halka ay marayaan:
• Boqolkiiba Lixdan iyo Shan (65%) Issimadu waxay ku sugan yihiin Muqdisho, oo ah xarunta Shirka Dastuuriga ah ee Soomaaliyeed.
• Xukuumaddu waxay diyaarisay oo cayimtay Liiskii iyo Degaamada Issimada dhiman ku sugan yihiin iyo qaabkii looga soo qaadi lahaa.
• Xukuumaddu waxay bilowday suggidda amniga, diyaarinta iyo kormeerada Xarumaha Martigelinta iyo Shirarka.
• Beesha Caalamka waxaan ugu baaqyenaa in ay dedejiyaan, fuliyaana balanqaadkii dhaqaale ee ay ugu talo galeen shirarka Dastuuriga ah.
Majiro dhaqaale naga soo gaaray Beesha Caalamka wakhtigan xaadirka ah.
• Xukuumadda waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeysaa in ay taageeraan kuna soo dhoweeyaan niyad sami Shirarka Dastuuriga ah.
• Shirku wuxuu u furmayaa si dhaqso ah; markii ay soo dhameystirmaan Issimada, Wabarada iyo Boqorada Soomaaliyeed oo la filayo in ay ku soo dhameytirmaan maalmaha soo socda
Dowladda waxay ku boorineysaa ergada ka imaan doonta dalka oo idil in ay muujiyaan wadaninimo iyo xilkasnimo taas oo ay ku xaqiijinayaan soo af-jarida mududa ku-meel-gaarka ee ku eg August 20, 2012.

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar


Qaar ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabtay ayaa soo dhaweeyay Horumarrada dowladda ay ka gaartay amniga iyo wada hadallada ka rajenayo in ay dhexmaraan dowladda Soomaaliya iyo walaallaha Somaliland.
Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqooyahannada Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay Horumarrada dalka ka socda, waxa uuna  sheegay in uu ku faraxsan yahay isaddelka ka socda, iyo dadaallada ay wadaan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku aadan in kooxaha qas wadayaasha dalka ka sifeeyo.
Sidoo kale Prof: ayaa tilmaamay in muddo Saddex billood ah uu dalka siyaabo kale duwan u yimid, intii uu ku sugnaana uu arkay Horumar xagga amniga iyo dowladnimada ah, isagoo xusay in xaalad kasta oo jirta haddana dalka uu ku socdo waddo uu ugu soo kabanayo bur burkii muddadii 21-ka sanno ee la soo dhaafay ku dhacay.
Dhinaca kale waxa uu soo dhaweeyay wada hadallada ka filiyo in ay dhexmaraan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, isagoo ku baaqay in ka qaado tallaabo kasta oo lagu mideyn karo ummadda Soomaaliya, waxa  uuna ka digay in dib loo gallo Qabyaalad iyo cadaallad darro.

Horjooggayaasha Al-Qaacidda oo kulan isugu ballansan Kismaayo


Horjooggayaasha Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo ay ugu arrinsanayaan xaaladda adag ee kooxda soo wajahday iyo howlgallada ciidammada dowladda Soomaaliya ee ku soo fiday deegaannada ay Al-Qaacidda ku dhuumaalleystaan.
Illo warreedyo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in horjooggayaasha Al-Qaacidada Soomaaliya  maanta ay ku kulansan yihiin magaaladaasi, si ay ugu wada hadlaan sii socoshada dagaallada Soomaaliya, qaabkii ay ugu baxsan lahaayeen haddii howlgallada ciidammada dowladda ay soo gaareen deegaannada ay ku dhuumaalleystaan.
Horjooggaha kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya hoggaamiya Axmed Cabdi Godane, ku xoggeenkiisa Muqtaar Rooboow Cali “Abuu Mansuur” Ibraahim Xaaji Jaamac “Ibraahim Afqaan, Fu’aad Maxamed Khalaf “Shongole iyo rag kale ayaa kulan ka qeyb galli doona,  iyadoo horjooggayaashaasi qaar ka mid ah aysan ku faraxsaneyn sida la xaqiijiyay kulan oo ay ka cabsi qabaan in uu ka dhasho khilaaf hor leh.
Kulammo horre ayaa fashilmay kaddib markii uu sii kordhay cadaadiska saarran kooxda Shabaabka Al-Qaacidda iyo khilaafaadka ka dhaxeeya horjooggayaasha, oo uu ugu dambeeyay khilaafkii Xasan Daahir Aweys iyo Axmed Cabdi Ow Godane.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, hadda waxaa ka soconaya  dhaq dhaqaaq ku aadan sidii uu u dhici lahaa kulan Al-Qaacidada Soomaaliya isugu imaanayaan, maadaama aysan ku kalsooneyn meel walbo oo ay si wadajir ah isugu yimaadaan horjooggayaasha oo dhexdoo shaki kala qaba.
Marar badan ayaa duqeyn lala bartilmaameydsaday kulammo ay isugu yimaadeen horjooggayaasha Al-Shabaab, iyadoo qaarkoodna lagu dilay weerrada lagu soo qaaday iyo duqeymaha bar bar socda ee laga fuliyay deegaanada Al-Qaacidda isugu shirar ku qabsadaan.

history of islam